Dil marka  Barnaamuka

Khayraadka

Diirada SPEB waxay isbedeshay 2020 markii masiibada caalamiga ee ee caabuqa COVID 19 ay ka abuurtay isbedel weyn nidaamka dugsiga iyo waxyaabo kale ee ka baxsanba . Bulshooyinkayagu waxa ay la kulmeen caqabado dheeraad ah oo ku saabsan daboolida baahiyahooda aasaasiga ah, ku taageeridda ardaydooda waxbarashada fogaan araga fog( online), iyo sii wadida u doodista arimahooda,.Waxaan noqonay qaar ku firfircoon dadaalka qaybinta kheyraadka ee dhammaan aagga South King County, annagoo si gaar ah diiradda u saarnay ka caawinta qoysaskeenna inay helaan agabka ay aadka ugu baahan yihiin.


Guul!

Barnaamijka taageerada waxbarashada  ee SPEB waxa uu siiyaa fursado dhinacyo badan leh   caruurta aan cadaanka ahayn iyo dhalinyarada soogalootiga ah ee ku nool South King County si ay labaduba u wanaajiyaan horumarka tacliinta oo ay u koraan bulsho ahaan, shucuur ahaan, iyo jidh ahaanba,  iyada oo ay taageerayaan bulshooyin kala duwan oo diiradda saaraya iftiiminta wanaaga  iyo kartida  dhalinyarada. Hawlaha waxaa ka mid ah xisaabta iyo taageerida  akhriska, ciyaaraha kubbadda cagta  wakhtiga xagaaga, ka qaybgalka waalidka, fursadaha hoggaamineed ee dhalinyarada qaan-gaarka ah si ay uga taageeran ardayda da’da yar, iyo hawlaha bulshada ee saddexda jiil. Waxaan hirgelineynaa barnaamijkayaga sanadka oo dhan si loo helo sii socoshada waxbarashada ardayda oo aysan khatar  u galin ama u lumin  waxbarashadoodu wakhtiga fasaxa  (gaar ahaan fasaxa xagaaga ee dheer).


Heshiisyada Bulshada

Barnaamijka machadkeenu waxa uu isku xidhaa iskaashiga qaybaha kala duwan ee bulshada ,iyada oo loo marayo barnaamijka horumarinta hogaaminta ee 9-ka bilood ah, kaas ay ka qayb qaatan dhalinyarada, qoysaska, bulshada, iyo hogaamiyayaasha waxbarashadu, si loo hagaajiyo bad qabka ardayda, gaar ahaan ardayda aan cadaanka ahayn, iyada oo loo marayo in wax laga badalo nidaamka , loona doodo, wax qabadna lala yimaado.

Ku dhufo Fiidiyowga Macluumaadka Machadka ee hoose, si aad wax badan uga ogaato Barnaamijka Machadkeena.