Af-Somali

Taariikhda maxadka SPEB

Taageerida Iskaashiga Waxbarashada & wixii ka baxsan  (SPEB, oo hore u ahaan jirtay Guddiga Waxbarashada Waalidiinta Soomaaliyeed) waxaa la aasaasay 2014-kii koox hooyooyin Soomaaliyeed ah oo isu yimid si ay ugu doodaan qoysaskooda iyo qoysaska kale ee soogalootiga xaga  nidaamka waxbarashada. Siddeeddii sano ee la soo dhaafay, maxadku wuu korayay  si aan u  taageerno bulshooyinka kale een cadaanka ahayn ee wajahaya arrimaha la midka ah kuwa na hor taagan anagoo u ololeynayna isbeddelka dugsiyada, degmooyinkooda, Gobolka Washington, iyo dalka oo dhan. Waxaan hadda u adeegnaa qoysaska soogalootiga ah iyo Bulshooyinka Madow, Asaliga ah, iyo Dadka aan cadaanka ahayn(BIPOC) ee Degmooyinka King, Pierce, iyo Thurston.

Himiladeena

Si loo beddelo sinnaan la’aanta nidaamka ku dhisan  ee waxbarashada iyadoo la hawlgelinayo qoysaska, barayaasha, iyo  hawl wadeenada bulshada si loo badelo nidaamka shaqada ee heer  degmo, gobol, iyo heer qaran.

Aragtideena

Si loo abuuro hannaan waxbarasho oo u  faa’iidaysanaya dhammaan carruurta iyada oo loo marayo hab  loo dhawrayo dhaqankooda   loona  siman yahay.